Home Wararka Maanta Xukunka adag oo lagu Riday ninkii Dilay Maama Khadiija oo Biyo...

Xukunka adag oo lagu Riday ninkii Dilay Maama Khadiija oo Biyo Waydiistay

0

Ibraahim Aadan Maadeey Afgarashadiisuna tahay Cabdiraxmaan, ayaa Khawaarijta kaga biiray degmadd Jillib ee Gobolka Jubbada dhexe, Tabbar gaaban oo dhinaca Dillalka Qorsheysan ah kadib waxaa loo soo diray in Muqdisho uu ka howlgallo, Gaar ahaan Kooxda Dilalka Gaadmada ah fulisa,
isaggoona mushaar ahaan kaga qaadan jiray Argagixisada Lacag u dhaxeysa Todobaatan iyo ilaa Sagaashan Dollar ka mareykanka ah.

Feejignaanta Dheeriga ah ee Ciidamada Aminga darteed Dhowr Shaqo oo la amray fulintooda ayaa fashil ku soo dhammaaday, hasa yeeshee Labada Bisha Koowaad ee sanadkaan marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed oo Afaafka hore ee gurigeeda si wal-wal la’aan ah kula sheekeesaneysay Gabadheeda, kaasi oo ku yaalla Degmadda Hodan Gaar ahaan Waaxda Kacaan ayaa Ibraahim Aadan Maadeey (Cabdiraxmaan) Isaggoo ka faa’iideysanaya naxariisteeda hooyanimmo ayuu ku dagay inuu u baahan yahay Biyo haaraad badanna u hayo, waxaase xigtay uu labo xabadood uu madaxa kaga dhuftay Marxuumad Maamo Khadiijo Siyaad Maxamed.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan, waxaana laga ogolaaday kow iyo Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn Maanta Ku xukuntay Ibraahim Aadan Maadeey Dil toogasho oo ah qisaastii Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleAlshabaab iyo Ciidamada Dowlada oo Xalay Dagaal Culus ku Dhexmaray Galgaduud
Next articleXamaas oo ka hadashay Waaranka soo qabashada ah ee loo jaray Hoggaankooda