Laba xubnood oo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa isku dhiibay ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Marka ee gobolka Shabeellada hoose.
Warbaahinta dowlada ayaa sheegtay in xubnaha isasa soo dhiibay ay lagu kala magacaabo Isaaq Cumar Ibraahim, iyo Qaasim Cabdulaahi Cali, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka xoogga ee 14 October ee ku sugan magaalada Marka.
Taliyaha ururka 14-aad guutada 14-ka oktoobar Gaashaanle Cabduqaadir Maxamed Munye ayaa sheegay in labada dagaalame ee ka tirsanaa Al-shabaab ay la soo xiriireen ciidanka, ayna uga hortageen degaanka Shalaanbood, halkaasna laga soo kaxeeyay.
Waxaa uu sheegay iney soo dhoweeyeen xubnahaas, una sameyn doonaan dhaqan celin, wuxuuna ugu baaqay dagaalyahanada kale ee Al-shabaab iney talaabadaasoo kale qaadaan.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni
In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday