Home Wararka Somaliya Puntland Xubno ay ku jiraan Ajaaniib oo ka goostay kooxda Daacish (Sawirro)

Xubno ay ku jiraan Ajaaniib oo ka goostay kooxda Daacish (Sawirro)

0

Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa soo bandhigay xubno ka tirsanaa kooxda Daacish oo isku soo dhiibay Ciidamada amaanka. kuwaasoo gaaraya 12 xubnood

Xubnahan ayaa ka soo goostay kooxda Daacish ee ku sugan buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari sida uu sheegay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland Col. Cabdulqaadir Jaamac Dirir

Taliyaha ayaa xusay in lix ka mid ah raggan ay yihiin ajaanib, kuwaasoo afar ka mid ah ay ka soo jeedaan dalka Ethiopia, labada kalena ayu dhasheen Suudaan. Halka lixda kalena ay yihiin Soomaali.

Qoraal la soo dhigay barta facebook ee qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa lagu sheegay in muwaadiniin ka soo jeeda dalka Siiriya ay sidoo kale ku jiraan ragga isa soo dhiibay.

Sida booliisku sheegeen, raggan ayaa waxay isku soo dhiibeen ciidamada Puntland ee ku sugan tuulada Balidhidhin ee gobolka Bari.

Mar ay la hadleen saxaafada ayaa waxay sheegeen in la soo qalday, loona sheegay in shaqo la siinayo, ayna muddo ku dhow hal sano ka mid ahaayeen kooxda Daacish.

Waxay intaas ku dareen in intooda badan ay u yimaadeen magaalada Boosaaso, ballanqaad shaqo oo ay u soo bandhigeen shaqsiyaad ay is garanayaan. Kaddibna si qiyaano ah loo geeyay buuraha ay Daacish ku sugan tahay.

Sidoo kale, Waxay sheegeen inay qaateen tababaro ciidan iyo hub. balse aysan ka qeyb gelin wax dagaalo ah, iyagoo xusay in markii ay heleen fursad ay kasoo baxsadeen goobaha ay ku sugnaayeen.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Bari, gaashaanle sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa sheegay in dadka isa soo dhiibay ay dhammaantood yihiin dad looga faa’iidaystay daruufo nololeed oo shaqo raadis ah, isagoo uga digay cid kaste oo shaqo raadinaysa inaan looga faaidaysan siyaabo qaldan oo mustaqbalkooda mugdi galin kara.

Ad
Previous articleMuxuu yahay xanuunka Joe Biden hurdada u diiday ee uu Aqalka Cad shaaciyay?
Next articleBasaaska ugu sareeya Mareykanka oo ka hadlay ficaladii layaabka lahaa ee Wagner

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here