Home Wararka Maanta Muxuu yahay xanuunka Joe Biden hurdada u diiday ee uu Aqalka Cad...

Muxuu yahay xanuunka Joe Biden hurdada u diiday ee uu Aqalka Cad shaaciyay?

0

Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa xaqiijiyay in Joe Biden, oo ah madaxweynihii ugu da’da weynaa ee taariikhda Mareykanka, uu isticmaalo qalab caafimaad oo lagu daweynayo cilladaha hurdada.

Xanuunka Apnea ee hurdada waa xanuun ay neefsashadu kala go’do si isdaba joog ah inta inta uu qofka hurdayo.

Sida laga soo xigtay Aqalka Cad, Madaxweyne Joe Biden wuxuu isticmaalayaa mashiinka la yirahdo CPAP.

Qalabka CPAP wuxuu si tartiib ah hawada ugu shubaa maaskarada afka iyo sanka inta lagu jiro hurdada, taasoo ka dhigaysa in marinnada neefta furmaan.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in qiyaastii 30 milyan oo Maraykan ah ay la ildaran yihiin xanuunka hurdada.

Afhayeenka Aqalka Cad Andrew Bates ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Biden “uu daaha ka qaadayay xanuunka hurdada oo uu ku sheegay warbixinno caafimaad oo dhamaystiran tan iyo 2008-dii.”

“Madaxweyne Biden wuxuu isticmaalay mishiinka CPAP xalay, taas oo caadi u ah dadka qaba xaaladdan,” ayuu yiri.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa markii dambe qiray inay isticmaalayeen mashiinka CPAP dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

Xanuunka Hurdo la’aanta waa mid ka mid ah xanuunada hurdada ee ugu badan adduunka, oo saameeyay ilaa hal bilyan oo qof oo ku nool daafaha dunida.

Daraasado caafimaad oo kala duwan ayaa muujinaya in xaaladda hurdo la’aanta ay sii korodho xilliga gabowga amaba da’da qofkaba marka ay sii korodho laakiin xaaladdan waxay ku dhici kartaa qofkasta oo qaangaar ah.

Calaamadaha xanuunka apnea waxaa ka mid ah neefsashada oo si ku meel gaar ah u joogsato inta uu qofka hurddo, sare u kac ku yimaada neefsashada iyo khuurada.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in xanuunka apnea ee hurdada la’aanta uu sababo xusuusta oo qofka ka dhunto iyo daal badan oo sababi kara shil.

Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in haddii dadku ay aad u khuuriyaan, neefsashaduna ay ku adkaato habeenkii, maalintiina ay dareemaan hurdo ama daal, habeenkiina ay si lama filaan ah u soo kacaan, waa in ay booqdaan dhakhtarkooda oo ay baaritaan dheeraad ah sameeyaan.

Ad
Previous articleMidowga Yurub oo War kulul ka soo saaray falkii lagu gubay Kitaabka Quraanka
Next articleXubno ay ku jiraan Ajaaniib oo ka goostay kooxda Daacish (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here