Home Wararka Maanta Xog Cajiib ah oo dheeri ah oo laga Helay Ninkii Xerada Imaaraadka...

Xog Cajiib ah oo dheeri ah oo laga Helay Ninkii Xerada Imaaraadka ku laayay Askartii Imaaraadka ahayd

0

Waxaa la helay xog dheeraad ah oo la xiriirta ninkii fuliyay weerarkii xerada Imaaraadka ee magaalada Muqdisho, 10-kii February ee sanadkan kaasoo isla xerada lagu dilay markii uu falka geystay.

Ninkan ayaa laga soo qoray magaalada Xudur dhammaadkii 2022, waxaana loo qoray askartii ay tababartay dawladda oo gacan ka heleysa Imaaraadka.

Markii uu dhameystay tababarka waxa uu ka mid noqday askartii sida gaarka ah loo soo doortay ee ilaalada xerada tababarka Imaaraadka ee Muqdisho.

Maalmo ka hor inta uusan dhicin weerarka ayuu riday qorigiisa, isagoo u muuqday inuu tijaabiyay. Mar wax laga weydiiyay arrintaasi ayuu sheegay inuu iibsaday rasaastii uu riday, sidaasi darteedna aysan jirin wax tallaabo ah oo laga qaaday.

Al shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda toogashada. Laakiin sidee buu Mustafa Mukhtaar Aadan uga mid noqday Al shabaab?

Waxaa la rumeysan yahay inuu ahaa nin ku ganacsan jiray suuqa Bakaaraha ka hor inta uusan ciidanka ku biirin. Kadibna wuxuu galay dagaal dhexmaray , isaga iyo nin kale oo u gaystay dhaawac weyn oo ka gaaray madaxa. Waxa uu isku dayay in uu magdhaw ka helo ninka dhaawaca u geystay balse kuma guuleysan.

Saraakiisha ammaanka ayaa rumeysan inuu u dacwooday Al shabaab oo sida uu aaminsan yahay mid ka mid ah xafiisyada amniga ka caawiyay inuu magdhow ka helo ninka dhaawaca u geystay.

Balse waxaan illaa hadda jawaab loo heyn su’aalo ay ka mid yihiin Al shabaab miyaa ka faa’iidaystay oo qortay xilligaas? Ma isagoo askari ah ayaa lagu qoray xerada Imaaraadka? Kumuu ahaa cidda dammaanad qaaday markii loo diiwaan gelinayey ciidanka? Sideese loogu soo xulay inuu ka mid noqdo ciidanka gaarka ah ee xerada Imaaraadka ee Muqdisho?  Saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Baarayaasha ayaan weli ka jawaabin su’aalahan

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMeleeshiyaad Hubaysan oo Xalay Weerar Ku Qaaday Gudaha Magaalada Dhabad
Next articleMahad Garaad: Wax ka ogoow noloshii dhakhtarka ku dhibaateysan Libiya kahor inta uusan tahriibin ee Xamar U shidnayd