Home Wararka Maanta Xiliga ciidamada Kenya ka baxayaan Soomaaliya oo la Shaaciyay

Xiliga ciidamada Kenya ka baxayaan Soomaaliya oo la Shaaciyay

0

Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Ducaale ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay dalka uga bixi doonaan afar waji.

 wuxuu xusay in bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ay bilaabatay bishii April ee sanadkii hore, taasoo ah istaraatiijiyad hoos u dhac ah oo looga dan leeyahay in si tartiib tartiib ah mas’uuliyadaha amniga loogu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. Qorshaha dhimista ayaa socon doona ilaa Diseembar 31, 2024.

“Wejigii koowaad ee dhimista ayaa la soo gabagabeeyey, waxaana ka baxay guud ahaan 2,000 oo ATMIS ah, 400 oo ka mid ah ciidamada Kenya, 400 oo Uganda ah, 400 oo ka socda Itoobiya, 600 Burundi ah iyo 150 ka socda Jabuuti. Tani waxay dhammaatay bishii June ee sanadkan.” ayuu yiri wasiirka.

Isagoo aqalka Senetka la hadlayay, Ducaale ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada ay inta badan ku xirnaan doonto heerka guusha laga gaaro howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan ka joogin ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, balse ay jiraan saraakiil ka tirsan KDF oo ka hoos shaqeeya ATMIS oo u sii mara Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika oo ogolaansho ka heysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Marka go’aanka ciidamada Kenya ay uga baxayaan Soomaaliya waxa ay ku xiran tahay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin horumarka laga gaaray shaqada ATMIS-ka iyo xaaladaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya,” ayuu yiri Ducaale oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiyeen Senetarro ka tirsan aqalka Senate-ka.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Cuslaa ee Ka Dhacay Shabeeloow iyo Halka Haatan lakala Joogo
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dilka loo gaystay Ganacsadi Xasan Xaaji Daahir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here