Home Wararka Maanta Xiliga Ay Dhalanayso Bisha Ramadaan oo La Shaaciyay

Xiliga Ay Dhalanayso Bisha Ramadaan oo La Shaaciyay

0

Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa ugu baaqday Muslimiinta oo dhan in ay raadiyaan oo ay eegaan bilashada bisha Ramadaan fiidnimada Axaddu sii baxayso Isniintuna soo galayso oo ku beegan Maarso 10-keeda.

Sida ku cad jadwalka ummul Qura ee Sucuudiga, tani waxay ku beegan tahay 29-ka Shacbaan ee sannadka Islaamka ee socda ee 1445H.

Maamulka ayaa ka codsaday dadka deegaanka in ay la soo xiriiraan haddii ay ku arkaan bisha indhahooda ama muraayadaha indhaha. Markhaatiyadu waa in ay ku wargaliyaan maxkamada ugu dhow oo ay diiwaan galiyaan maragtigiisa/keeda. Waxay kaloo la xiriiri karaan xarunta ugu dhow ee dawladda, taasoo ka caawin doonta in ay gaaraan maxkamadda ugu dhow.

Guddiga aragga bisha ee Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale ku dhawaaqay fiidnimada Axadda in la raadiyo bisha Ramadaan oo la filayo in la arko, waxayna dadka deegaanka ugu baaqeen in ay maamulka ku wargeliyaan haddii ay arkaan.

Ad
Previous articleNinka gaabnidiisa darteed loogu diiday in uu dhakhtar noqdo
Next articleWar Deg Deg ah: Kulankii Baarlamaanka Ee loogu Yeeray Wasiirada Gaadiidka iyo Duulista oo La Baajiyay Yaa Soo Faragaliyay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here