Home Wararka Maanta Ninka gaabnidiisa darteed loogu diiday in uu dhakhtar noqdo

Ninka gaabnidiisa darteed loogu diiday in uu dhakhtar noqdo

0

Dr. Ganesh Baraiya waa 23 ku dhashay tuulada Talaja Taluk ee magaalada Bhavnagar, waxuuna ku guuleystay in uu noqdo dhakhtarka ugu gaaban adduunka.

Riyada dhakhtarnimo ee uu lahaa Ganesh ayaa meesha ka baxday kadib markii Golaha Caafimaadka India ay sheegeen in uusan u qalmin in uu barto heerka labaad ee caafimaadka dhakhtarna noqdo gaabnidiisa darteed sanado ka hor.

Waxaana la amray in uu beddelo koorsada uu baranaayo oo uu doorto wax kale, iyadoo loo arkaayay kiisaska degdegga ah ee caafimaadka mid kaso bixi karaba in uusan ahayn awood ahaan.

Maamulka iskuulka uu wax ka baranaayay ayaana ku dhiirigeliyay in uusan noqon mid quusta ee uu dacweeyo Golaha Caafimaadka India.

Riyadiisa waxbarashada

Ganesh Baraiya siduu u gaabanyahay riyadiisa uu ku rabay in uu dhakhtar noqdo uma gaabanayn, “Markii Golaha Caafimaadka India ii diideen in aan iska diiwaan geliyo waxbarashadayda heerka labaad, maamulayaashii iskuulkayga ayaa igu taageeray in aan kiiska maxkamad geeyo, runti waan niyad jabay markii Maxkamadda Sare gobolka ay i xukuntay.”

“Sidaas oo ay tahay, taasi ima joojin waxaana go’aansaday in aan maxkamadda ugu sareysa dalka geeyo dacwadayda anigoo filasho wanaagsan qaba. Bishi Oktoobar 2018-kii maxkamaddu waxay isiisay war aanku nafiso taas oo dhahaysa, waloow aan gaabnahay haddana in aan sii wadan karo waxbarashadayda caafimaadka”

Waxuu iska diiwan galiyay Koleejka caafimaadka ee Bhavnagar kadib maxkamadda ugu sareysa amarkeeda. Diiwaangelintiisii kadib 1-dii Ogoosto 2019 kii, waxuu bilaabay barashada heerka labaad ee waxbarashada caafimaadka, xilligaas iyada ah Ganesh keliya waxuu miisaankiisu dhanaa 16kg.

Hadda waxuu boggay waxbarashadii heerka labaad waxuuna haddeer layli caafimaad kaga jiraa Isbitaalka Sir Takhtsinghji ee magaalada Bhavnagar.

Safarkiisii waxbarashada

Safarka waxbarasho ee Ganesh Baraiah ee halkaan uu kusoo gaadhay waa mid xiiso leh, safarkaan uu dhakhtarka ku noqonaayo waxuu taageero ka helay saaxiibadiis iyo sidoo kale maamulahii iskuulkiisa iyo barofeesarka kulliyadiisa. Ganesh imtixaankiisii NEET wuu ku guuleystay sanadkii 2018.

Dhibaatooyinkiisa la xidhiidha gaabnida

Dr. Ganesh waxuu yidhi, “Gaabnida darteed, waxaa jira caqabado maalinle ah shaqada dhexdeeda, dhibaatooyin badan waxaan wajahay xilligii iskuulka. Badanaa wakhtigaasna waxaa I caawinaayay maamulayaasha iskuulka oo aan isku xidhnayn meelo gaar ah bayna i siiyeen maamulku.”

Sidoo kale markaan imtixaanka samayska ah dhibaatooyin ka wajahay, waxaa I caawiyay horjoogaha kulliyada, caawinaad gaar ahna waxay ii ahaayeen diyaar marka imtixaanada falgalka leh aan galaayo.

Bukaankii baa yaabay

Ninkaan gaaban ayaa lagu casuumay munaasabado oo gudaha qaranka India iyo qaaradaha dibadaba ah, waxaana la guddoonsiiyay abaalmarinno – isaga oo loo aqoonsaday in uusan keliya ahayn dhakhtar ugu gaaban India balse adduunkoo dhan.

September sanadkii teggay, Madaxweynaha Taiwan ayaa abaalmarin guddoonsiyay Ganesh, marka laga tago masraxyada caalamiga ah iyo kuwo dalka gudahahiisa ahna waxaa sidoo kale lagu abaalmariyay goobaha waxbarashada iyo xarumaha dowladda. Waxuu sheegay in ahayd riyadiisa in uu noqdo dhakhtar.

“Iskuulka waxaa laygu sheegay in ay tahay in aan aad u dedaalo, hadii aan gaabnida intaas le’eg dhakhtar ku noqdana waxaa la ii sheegay in diiwaanka adduunka geli doono, tania ad bay ii dhiirrigelisay si adag baana u dedaal. Midho-dhalkii dedaalkaasna booskaan baanku gaadhay.” Ayuu yidhi isaga oo kahadlaayay siduu dareemaayo.

Dadka ayuu marwalba isaga oo qoslaya la kulmaa waxaana marwalba badbaadinaayay oo gacanqabanaayay waalidkiisa, toddobo gabdhood oo la dhashay iyo walaalkii ka yar isaga. Aabbahii waa beeroleey, toddobada gabdhood ee ladhashayna waa kuwo reero leh.

Markii ay bukaannadu marka koobaadba arkaan Ganesha, aad bay ula ula fajaceen gaabnidiisa, laakiin markay la sheekaysteen bukaanadu aad bay ugu farxeen in uu daaweeyo isagu. Sababtuna waa in Dr Ganesh yahay mid bulshaawi ah oo furfuran, bukaanadana si taxadarleh u daweeya.

Hadda, waxuu dhiirigelin iyo tusaaleba u yahay dadka awoodaha badhkood la’a, waxuuna leeyahay. “Naafonimo joojin karta majirto awoodaada iyo kartidaada, haddii aad horey u socoto adigoo iimaanleh naftaadana aaminsan. Marwalbana waad guuleysan”.

Ad
Previous articleBaarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u yeeray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada kadib Markii…..
Next articleXiliga Ay Dhalanayso Bisha Ramadaan oo La Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here