Home Wararka Somaliya Jubbaland Xildhiibaan caan ah oo Garabka Farmaajo ka Tirsanaa oo Kismaayo lagu Doortay

Xildhiibaan caan ah oo Garabka Farmaajo ka Tirsanaa oo Kismaayo lagu Doortay

0

Waxaa saakay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbalanad ka socota doorashada shan kursi oo kamid ah kuraasta gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

Kursiga ugu horeeyay oo saakay doorashadiisa ka dhacday magaalada Kismaayo tirsigiisuna  yahay Hop#072 waxaa ku guuleestay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo kamid ah siyaasiyiinta caanka ah ee kasoo jeeda Jubbaland.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa helay 75 Cod halka musharrixii la tartamayay ee Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi uu isna helay 18 Cod, waxaana halaabay laba Cod sida ay cadeeyeen Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Siyaasigan kusoo baxay doorashada saakay ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa xiriir dhaw la lahaa Madaxweynaha Jubbaland, waxaana kursigan laga xirtay oo sanadkan damaaciyay latalaiyaha arrimaha Doorashada Cabdi Cali Raagge.

Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa sanadkan saaxada siyaasada ka saaray siyaasiyiin badan oo saameyn lahaa kuwaa oo siyaasad ahaan kasoo horjeeday, waxaana doorashada sanadkan noqotay mid aargudasho .

Ad
Previous articleMareykanka oo war kasoo saaray Gobolada uu Aqoonsaday Dalka Ruushka
Next articleDeg Deg: Dil goordhow ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here