Home Wararka Maanta Deg Deg: Dil goordhow ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa

Deg Deg: Dil goordhow ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa

0

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xaafad katirsan degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen sargaal la sheegay in uu katirsanaa ciidanka xoogga Soomaaliyeed .

Sargaalka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Cabdi Dheere ayaa la dilay xilli uu garaash kala soo baxayay gaari uu lahaa, waxaana dilka kaddib goobta ka baxsaday kooxdii dilka geestay oo dhalinyaro lagu sheegay.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay , waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgalo aan lagu soo qaban kooxdii dilka u geesatay sargaalka katirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxaa kusoo batay dillaka qorsheesan ee loo geesto dadka shacabka ah iyo askarta katirsan ciidanka dowlada, waxaa sidoo kale magaalada ka dhaca mararka qaar qaraxyo.

Ad
Previous articleXildhiibaan caan ah oo Garabka Farmaajo ka Tirsanaa oo Kismaayo lagu Doortay
Next articleMid ka mid ah saaxibada Raysuwasaare Rooble oo loo Diiday inuu Kursi uu ku Fadhiyay U Tartamo iyo Rooble oo Ka aamusan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here