Home Wararka Maanta Xildhibaano Ka Tirsan Dowlada Kenya oo Soo Gaaray Muqdisho(Sawiro)

Xildhibaano Ka Tirsan Dowlada Kenya oo Soo Gaaray Muqdisho(Sawiro)

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ay wehliyaan Wasiirro, Xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan hey’adaha Dowladda, ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyey Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya oo maanta soo gaaray Muqdsho.

Xildhibaannada maanta Muqdisho yimid oo kamid ah siyaasiyiinta Baarlamaanka Kenya ku matala Soomaalida ku nool dalkaas ayaa kala ah, Xildhibaan Aadan Daa’uud Maxamed, Xildhibaan Ugdoon Siyaad kunno iyo Xildhibaan deeqow Maxamed Barrow , waxaana inta ay joogaan dalka kulamo kala duwan ay la yeelan doonaan madaxda dalka iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleXamaas oo Dagaal Qaraar kadib Nolosha Ku qabatay Askar israailiyiin ah
Next articleWar Deg Deg ah: Khadar Maxamuud Samatar oo lagu Toogtay Caabudwaaq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here