Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.
Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah Hop#253, Hop#178, Hop#050 iyo Hop#230 ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ku soo baxay xubnaha kala ah:-
1-Aadan Maxamed Cali oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#253.
2-Cabdulaahi Maxamed Cali oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#178.
3-Axmed Shekh Maxamed (Mashruuc) oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#050.
4-Jaamac Taqal Cabaas oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#230.
Doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galay kuraasta xigta ee maanta loo qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadajinta doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu wado in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka bishaan March ee sanadka 2022-ka