Home Wararka Maanta Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka qayb...

Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka qayb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka. 

0

Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka qayb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka.

Kulankan oo ahaa kii 145-aad ee Baarlamaanka Adduunka ayaa waxaa Soomaaliya uga qayb galay Shan Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka labadiisa Aqal oo ay ka mid ahayd Senator Samsam Daahir Maxamuud.

Fadhiga kulanka oo looga hadlay arrimo badan ayaa saddex maalin oo ka mid ah waxaa looga hadlay ka qayb galka siyaasadda ee Haweenka iyo sida guulo looga gaaray tobankii sano ee ugu dambeeyay.

Senator Samsam Daahir Maxamuud oo khudbad halkaas ka jeedisay ayaa faahfaahisay horumarka ay Haweenku ka gaareen ka qayb galka siyaasadda iyaga oo hadda soo gaaray xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, taasina ay tahay guul ay ku tallaabsadeen Haweenka Soomaaliyeed.

Xildhibaanada Soomaaliya uga qayb galay kulanka Baarlamaanka Adduunka ayaa sidoo kale afarta sano ee soo socota fadhiyada Baarlamaanka Adduunka ku matali doona Soomaaliya, waxa ayna kala yihiin :-

1. Senator Samsam Daahir Maxamuud

2. Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud (Xayd).

3. Xildhibaan Faarax Macalin Bishaar

4. Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed

5. Xildhibaan Nuradiin C/laahi Colujoog.

Ad
Previous articleDalka Turkiga 22 Qof oo ku Dhimatay Halka 50 ay ku Xanibanyihiin Goob Dhuxusha laga qado
Next articleBeelkale oo Kasoo Jeeda Galmudug oo Maantay Ciidamo Ka Dajinaaya Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here