Home Wararka Somaliya Galmudug Beelkale oo Kasoo Jeeda Galmudug oo Maantay Ciidamo Ka Dajinaaya Baladweyne

Beelkale oo Kasoo Jeeda Galmudug oo Maantay Ciidamo Ka Dajinaaya Baladweyne

0

Ciidankii iyo hubkii ugu horreeyay ee Beelweynta Murusade ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dagaan midkood magaalooyinka Beledweyn iyo Guriceel ee gobollada Hiiraan iyo Galguduud, si ay uga sii gudbaan Maxaas, halkaas oo ay kaga sii ruqaansan doonaan Wabxo.

Beesha Murusade oo shalay ciidan iyo gawaari dagaal oo aad u fara badan kusoo bandhigtay duleydka degmada Deyniile ayaa sidoo kale berri dhammeystiri doonto daad-gureynta ciidamadooda, waxeyna xildhibaannadooda iyo saraakiishooda shalay caddeyeen go’aankooda ku aaddan gulufka lagu xoreynayo deegaannada ay beeshu ka dagto Galmudug.

Tani ayaa ka dhigan in reer Hiiraan ay helayaan gurmadkii ugu badnaa, culeyskana uu ka dagi doono, maadama beelweynta Abgaal ay iyagana dhaqdhaqaaq xooggan ka wado gobolka Sh/Dhexe.

 

Ad
Previous articleXildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka qayb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka. 
Next articleUganda Oo Ka Laabatay Xukun Dil oo Lagu Riday Askar 8 Shacab Ah ku Xasuuqay Degaanka Golwayn ee shabeelada Hoose .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here