Home Wararka Maanta Xildhibaanka isku badalay Youtuberka ee laga ceyriyay baarlamaanka

Xildhibaanka isku badalay Youtuberka ee laga ceyriyay baarlamaanka

0

Xildhibaan u dhashay dalka Japan ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee laga ceyriyo aqalka Senet-ka ee dalkiisa isaga oo aan waligiis soo xaadirin baarlamaanka.

Yoshikazu Higashitani, oo sidoo kale ah YouTuber ka faallooda wararka xanta dadka caanka ah, ayaa Talaadadii ay xubnaha Senate-ka ceyriyeen isaga oo la sheegay in waligiis uusan soo xaadirin kal-fadhiyada.

Higashitani ma uusan soo xaadirin hal kalfadhi tan iyo markii la doortay todoba bilood ka hor.

Guddigii Anshaxa ee Baarlamaanka ayaa xilkiisa kala noqday, maadaama uu ka maqan yahay kalfadhiyada baarlamaanka.

Higashitan ayaa bishii July loo doortay in uu buuxiyo kursi ka mid ah golaha aqalka sare.

Xildhibaanka ayaa Youtube-ka looga yaqaanaa Gaasyy waxaa uuna caan ku yahay muuqaallada maaweelada.

In qofka lag ceyriyo baarlamaanka waa ciqaabta ugu adag ee uu xildhibaanku muteysto. Waxay dhacday laba jeer oo keliya tan iyo 1950-kii, balse waa markii ugu horreysay ee qof baarlamaanka Japan looga ceyriyo in uu soo xaadiri waayay kalfadhiyada .

Golaha ayaa la gu wadaa inay si rasmi ah u soo gabagabeeyaan go’aankooda toddobaadkan.

Higashitani ayaa la rumeysan yahay in uusan ku noolayn Japan balse uu ku nool yahay dalka Imaaraadka Carabta .

Cod aqlabiyad ah

Warbaahinta Japan ayaa ku warameysa in Higashitani uu ilaa hadda diiday in uu tago baarlamaanka sababtoo ah waxa uu ka baqayaa in loo xiro eedeymaha musuqmaasuqa iyo sumcad-dilista dadka caanka ah.

Waa mid ka mid ah laba xubnood oo lagu soo doortay xisbiga mucaaradka Seijika-joshi-48 . Xisbiga, oo ajandihiisa diiradda lagu saaray hal arrin, lona soo gaabiyo NHK, ayaa ku baaqaya in dib-u-habeyn lagu sameeyo warbaahinta dadweynaha ee Japan.

Wargeyska Asahi Shimbun waxa uu xusay, in si uu caan u noqdo , uu xisbigu si joogto ah u beddelo magaciisa.

Baarlamaanka ayaa todobaadkii hore dalbaday in Higashitani uu yimaado Tokyo si uu shaqsi ahaan raali galin uga bixiyo ka maqnaanshihiisa kalfadhiyada.

Xildhibaanada ayaa ka dhawaajiyay in tani ay noqon doonto fursadii ugu dambeysay oo uuku soo xaadirayo, balse Higashitani ma uusan soo xaadirin fadhiga guud.

Taas beddelkeeda, waxa uu YouTube-kiisa kaga dhawaaqay inuu u safri doono dalka Turkiga, isla markaana uu qorshaynayo inuu mushaharkiisa ugu deeqo dadka uu saameeyay dhul-gariirrada ka dhuftay.

Maqnaanshihiisa waxa ay ka caraysiisay golaha aqalka sare oo xubnahooda u codeeyeen todobaadkan in la ceyriyo.

Saaxiibkiisa kaliya ee xisbiga, Hamada Satoshi, ayaa ku dooday inay sharci-darro tahay in Higashitani loo eryo oo kali ah inuu ku guul-darraystay inuu ka soo qayb galo kal-fadhiyada. Si kastaba ha ahaatee, guddiga ayaa cod aqlabiyad ah ugu codeeyay in la ceyriyo.

Ad
Previous articleHooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay oo ku dhintay hoobiye kusoo dhacay gurigooda
Next articleCiidanka Dowladda oo gacanta ku dhigay rag sameenayay Maan-dooriye iyo Hub (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here