Home Wararka Somaliya Jubbaland Hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay oo ku dhintay hoobiye...

Hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay oo ku dhintay hoobiye kusoo dhacay gurigooda

0

Illaa afar qof oo isku qoys ahaa kana koobnaa hooyo, laba carruur ah oo ay dhashay iyo qof marti u ahaa, ayaa kubaxay hoobiye kusoo dhacay gurigooda oo ku yaal magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dhibka reerkaasi soo gaaray intaas kuma eka ee, waxaa uu hoobiyuhu dhaawacay labo carruur ah oo kale oo isla qoyskaasi ka tirsan.

Ururka Al-shabaab ayaa shalay magaaladaasi la dhacay hoobiyayaal, waxyar uun kaddib weerarkii isqarxin ahaa ee isla Shabaabku ay sheegteen inay ku qaadeen aqalka martida ee maamulka Baardheere.

Xasan Cabdi oo ay wada dhasheen aabaha qoyska ay hooyada iyo carruurta ka geeriyoodeen, waxa uu inooga warramay sida ay wax u dheceen.

Ad
Previous articleRuushka oo Burburiyay Diyaarad Laga Leeyahay Dalka Maraykanka iyo Xiisad culu oo Ka dhalatay
Next articleXildhibaanka isku badalay Youtuberka ee laga ceyriyay baarlamaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here