Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Xildhibaanadii ugu Horeeyey ee katirsan Koonfurgalbeed oo Shahaadasa Xildhibaanimo Qaatay(Sawiro)

Xildhibaanadii ugu Horeeyey ee katirsan Koonfurgalbeed oo Shahaadasa Xildhibaanimo Qaatay(Sawiro)

0

Waxaa maalintii labaad xarunta guddiga doorashada heer federaal ka socota bixinta shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaanimo ee la siinayo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya mar kalana u sharaxan xilkaasi Mudane Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo qaata shahaadada xildhibaanimo.

Sheekh Aadan Madoobe iyo xildhibaano kale oo katirsan labada aqal ayaa saakay qaatay shahaadada Xildhibaanimo, waxaa sidoo kale shahaadada xildhibaanimo qaatay Shariif Maxamed Cabdalla oo isna laga soo doortay Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa qoraal uu soo saaray horey ugu baaqay xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed in guddiga doorashada aysan ka qaadan shahaadada kana qaataan xoghayaasha labada aqal.

Xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaana shalay qaadan wax shahaado ah, waxaana shalay shahaadada Xildhibaanimo la siiyay xildhibaano kasoo jeeda maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira.

Ad
Previous articleDeg Deg: Ciidamada Galmudug oo Qabtay Gaari Qaraxyo Waday iyo Ragii Watay
Next articleCiidamada Ukrain oo Dib u Qabsaday Caasimad Dhawaan Laga Qabsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here