Home Wararka Somaliya Galmudug Deg Deg: Ciidamada Galmudug oo Qabtay Gaari Qaraxyo Waday iyo Ragii...

Deg Deg: Ciidamada Galmudug oo Qabtay Gaari Qaraxyo Waday iyo Ragii Watay

0

Wararka naga soo gaarayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug ay howlgallo ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi.

Howlgallada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanka Cadalle ee koonfurta gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Saraakiil ka tirsan dowladda oo ka hadlay howlgalladaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gaari siday waxyaabaha qarxa, islamarkaana ay qabteen raggii watay.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa in qaraxaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, isla-markaana ay ka hortageen, kadib xog ay heleen.

Ciidamada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay xubnahaasi doonayeen inay miinooyin ku aasaan wadada xiriirisa Hobyo iyo Gaalkacyo.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku sugan yihiin koonfurta Mudug, gaar ahaan deegaano dhowaan lagu arkay Al-Shabaab.

Ad
Previous articleRuushka oo Xeelad Cusub oo Urogay Dagaalkii Ukrain(Sawiro)
Next articleXildhibaanadii ugu Horeeyey ee katirsan Koonfurgalbeed oo Shahaadasa Xildhibaanimo Qaatay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here