Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Xildhibaanada Koonfurgalbeed oo Kala Jabay iyo Laftagareen Oo Caqabad Hor leh wajahaya

Xildhibaanada Koonfurgalbeed oo Kala Jabay iyo Laftagareen Oo Caqabad Hor leh wajahaya

0

Xildhibaan Aadan Saransoor ayaa shalay qaatay shahaadada diiwaan-gelin ee Musharaxnimada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kadib markii uu ku gacan seyray qorshaha madaxweynaha Koonfur Galbeed ee doorashada Guddoonka.

Lafta-gareen oo soo xulay dhamaan xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa habeen hore kulan isugu yeeray saddex musharax oo ku dhow oo doonayay inay isku soo taagan xilka guddoomiyaha, kaasi oo uu kamid ahaa Aadan Saransoor.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ay soo xigatay Mudug24, madaxweyne Lafta-gareen ayaa shaaciyey inuu si buuxda u dhisayo xildhibaan Xasan Cabdinuur oo ah nin dhallinyaro ah oo aad ugu dhow, kaasi oo isna shalay qaatay shahaadada.

Arrintaas ayaa waxa muuqata inay u cuntami weysay Aadan Saransoor, kaasi oo ku gacan sayray dalabka Lafta-gareen, wuxuuna shalay qaatay shahaadada musharaxnimada guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Musharaxnimada Saransoor ayaa waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa qorshaha madaxweyne Lafta-gareen iyo in uu soo baxo Xasan Cabdinuur.

Aadan Saransoor waxaa lagu tirinayey garabka Lafta-gareen, waxaana musharaxnimadiisa ay kala qeybin kartaa codadka garabka madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Villa Somalia, taasi oo fursad siin karta musharaxiinta kale sida Aadan Madoobe iyo Shariif Cabdalla.

Aadan Saransoor ayaa sidoo kale ah siyaasi ka khibrad iyo magac dheer Xasan Cabdinuur, taasi oo codad badan dhankiisa xajin karta, caqabadna ku ah qorshaha Lafta-gareen.

Lafta-gareen ayaa tallaabadan uu ku dhisayo Xasan Cabdinuur ku tijaabinaya awoodda uu ku leeyahay baarlamanka iyo sida ay ugu xiran yihiin xildhibaanadii uu soo saartay.

Si kastaba, Way adag tahay xiligaan in Xasan Cabdinuur laga gado xildhibaanada sababo la xiriira khibrad la’aantiisa, balse haddii uu guuleysto ay ka dhigan tahay halis cusub iyo baarlaman kasii xun kii Maxamed Mursal.

Ad
Previous articleSharciga Deganaanshaha ayaa laga Ceshanayaa Qoyska oo dhan Hadii midkood uu weeraro Booliska ” Jimmie Ã…kesson ”
Next articleRuushka oo la wareegay boqolkiiba 80 Gobolka Luhansk Sida uu sheegay Barasaabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here