Home Wararka Caalamka Sharciga Deganaanshaha ayaa laga Ceshanayaa Qoyska oo dhan Hadii midkood uu weeraro...

Sharciga Deganaanshaha ayaa laga Ceshanayaa Qoyska oo dhan Hadii midkood uu weeraro Booliska ” Jimmie Åkesson ”

0

Xisbiga Sverigedemokraterna (SD) ayaa soo jeediyay barnaamij ka kooban 30 qodob ka dib qalalaasihii Easter-ka ee Sweden oo ku saabsan gubista nuqullo ka mid ah qur’aanka kariimka ah oo uu gubay Rasmus Paludan . 

Soo jeedinta xisbiga waxaa ka mid ahaa in qoyska oo dhan lagala noqdo degenaanshiyaha haddii midkood uu galo dambi weyn, iyo in la tixgeliyo waxa loogu yeero masaafurinta.

“Sweden waa dal dimuqraadi ah oo aad ku gubi karto buugaag diini ah laakiin ma gubi kartid baabuurta booliiska” ayuu hogaamiyaha xisbiga Jimmie Åkesson u sheegay SVT. “Rasmus Palaudan waa doqon, laakiin xaq buu u leeyahay inuu ra’yigiisa dhiibto.”

SD ayaa soo jeediyay in booliiska lagu qalabeeyo qalabka nuuca biyaha iyo rasaasta cinjirka ah, kordhinta isticmaalka sunta dadka ka ilmeysiisa, kordhinta kamaradaha ilaalada ee meelaha dhibaatadu ka jirto, iyo mamnuucida dugsiyada Islaamiga ah.

Maanta Jimmie Åkesson wuxuu booqday Skäggetorp ee Linköping. Waa mid ka mid ah meelaha ay ka dhaceen qalalaasaha.

Xisbigu waxa uu soo jeediyay in la balaadhiyo xilliyada ay booliisku xaq u leeyihiin in ay isticmaalaan hubka.

Xisbigu waxa uu dalbaday in waxa loogu yeero “anti-social” loo arko in ay sal u tahay in qofka laga soo tarxiilo Iswiidhan, xitaa iyada oo aan lagu xukumin dambi. 

SD waxa ay u aragtaa in ay macquul tahay in shaqsiga laga ceshto hadii uu ka shaqeeyo qofka arimo dambi, soo bandhigo hab-nololeed ka soo horjeeda bulshada, muujinta “khalafsanaanta waajibaadka ka saaran bulshada Iswiidhishka ama ay khatar gaar ah ku hayaan Iswiidhan

Ad
Previous articleKu Dhawaad 20 Qof oo ku dhimatay Weerar lagu qaaday Masaajid ku yaalla Dalka Afganistan
Next articleXildhibaanada Koonfurgalbeed oo Kala Jabay iyo Laftagareen Oo Caqabad Hor leh wajahaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here