Home Wararka Maanta Xildhibaanada Beelaha Daarood oo Maantay Waji Gabax kala Kulmay Xasan shiikh

Xildhibaanada Beelaha Daarood oo Maantay Waji Gabax kala Kulmay Xasan shiikh

0

In ka badan 20 mudane oo katirsan baarlamaanka DFS, kana soo jeeda Beesha Daarood ayaa la kulmay maanta madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh, iyagoo kala hadlay sadex arrimood oo kala ah, doonistooda RW kuxigeen, Dhulal looga haysto Muqdisho, Qoondada & Aqoonsiga maamulka SSC-Khaatumo, sida ay ogaatay Mudug24

Madaxweyne Xassan Sh ayaa u sheegay xubnahan.

1- In uusan siineyn dhankooda RW kuxigeen, uuna u balanqaaday Beesha Digil & Mirifle oo uu siin doonaan dhawaana magacaabayo, maadaama dastuurka ay kala shaqeeyeen.

2- Aqoonsiga SSCKhaatumo ayuu sheegay in ayaga looga baahan yahay keenida Gobal & Bar dhameystiran, si lamid ah sidii Galmudug, oo ay arrintaas ka wada shaqeynayaan ( Labo kamid ah Senatarada kasoo jeeda Sanaag & Sool).

3- Qoondada ayuu sheegay in wax badan dhankooda jiraan beesha Daaroodka, Dhulalka iyo qadiyadaha la xariirana, ay maxkamaddaha & Hay’addaha Garsoorka dalka aadaan, oo halkaas dacwadahooda geeyaan.

Mudug24, ayaa ogaatay in xubnaha qaarkood ka argagaxeen jawaabaha tooska ah ee Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo isla caawa bilaabay in ay baraha wada hadalka ee WhatsApp ku iclaamiyaan shirar berri ay doonayaan in lagu qabto Hotel Airport Muqdisho.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleXildhibaan Xirtay Tuutaha Dagaalka Oo Gaaray galmudug(Sawiro)
Next articleAlshabaab oo Galabtay Lagu Jabiyay Dagaal culus oo lagu Qaaday