Home Wararka Maanta Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow oo farriin u diray Xasan Sheekh, mucaaradka iyo...

Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow oo farriin u diray Xasan Sheekh, mucaaradka iyo xildhibaanada

0

Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow ayaa soo saaray qormo uu ciwaan uga dhigay “Tallooyin Qaran oo ku socda Madaxweynaha, Madaxdii Hore, Mudanayaasha Baarlamaanka.”

Xildhibaan Islow ayaa ugu horeyn Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyey in shaqada uu hayo uu daacad ka noqdo, sida wax ka bedelka dastuurka iyo dagaalka Khawaarijta, maadaama uusan u dhimanayn mansab dambe oo uu sii raadiyo.

Farriinta labaad wuxuu Xildhibaan Maxamed Abuukar u diray madaxweynayaashii hore iyo siyaasiyiinta kale ee hadda aan ku jirin xukuumadda, wuxuuna kula taliyey inay dowladda kala shaqeeyaan sidii dalka loo gaarsiin lahaa guulaha la hiigsanayo.

Farriinta 3-aad wuxuu Islow u diray baarlamaanka, wuxuu kula taliyey inay joojiyaan is kala qeybinta, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii loo dhameystiri lahaa dastuurka dalka oo baarlamaankii hore uu ku fashilmay inuu ka shaqeeyo.

Ugu dambeyntii, Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow ayaa ka dalbaday xukuumadda, baarlamaanka iyo cid kasta oo awooda inay u gurmato dadka ay saameeyeen fatahaadaha dalka ku dhuftay.

Bismillaahi, Salaan kadib..

Waxaan halkan ku soo gudbinayaa xilligan xasaasiga ah tallooyin muhiim ah oo ku saabsan Xaaladda dalka, kuwaas oo toos ugu socda dhinacyada aan kor kusoo sheegay, waxaan ku bilaabayaa:

FARRIINTA KOOWAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH. Mudane Madaxweyne sida aad hore u sheegtay waxaad tahay mas’uul laba jeer Madaxweyne dalkan ka noqday oo Darajo aysan u harsaneyn, haddana doonaya inuu dalka iyo dadka uga tago taariikh.

Waxaa ku hor yaallaa howlo Qaran oo ay ugu muhiimsan yihiin: Dagaalka Alshabaab oo aad bilowday iyo Dhammeystirka Dastuurka KMG ah, Deyn cafinta,  sidii dalka looga qaadi lahaa cunaqabateyta Hubka,  iyo Xoojinta Hay’adaha Dowladnimada.

Adigoo ku mahadsan dagaalka Alshabaab ee aad dadaalka gelisay, waa inaad dhammeystirtaa oo horseed u noqotaa in caddowgaas dalka laga xoreeyo oo aanu nala dhaafin muddo xileedkan.

Dhammeystirka Dastuurka oo muddo dheer aan lagu guuleysan, waa inaad Madaxweynow u wajahdaa Danta guud ee Qaranka darteed, kana ilaalisaa dano gaara ah. Wax ka bedelka Dastuurka, Qaab dhismeedka dowladda iyo Doorasho guud waa arrimo Qaran oo ka weyn rabitaanka Madaxweyne markaas xilka jooga.

Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh kula talinayaa inuu dhammeystirka Dastuurka iyo wax ka bedelkiisa daacad ka noqdo.

FARRIINTA LABAAD

Farriinteyda Qaran ee labaad waxay ku socotaa Madaxdii hore ee dalka, Mas’uuuliyiinta xilalka soo qabtay iyo Siyaasi kasta oo doonaya inuu qabto xilalka dalka ugu sareeya ee hadda ka horjeeda qaabka ay hadda wax u socdaan.

Ad
Previous articleHowlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay duleedka..
Next articleXamaas maxey ka tiri heshiiska xabad joojinta?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here