Home Wararka Maanta Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo sharaxaad ka bixisay dhabarjebintii uu ku...

Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo sharaxaad ka bixisay dhabarjebintii uu ku sameeyey Sheekh Aadan Madoobe

0

Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo maanta looga guuleystay xilka madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka oo ay u tartameysay ayaa sharaxaad ka bixisay dhabarjebin ay sheegtay inay kala kulantay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo diray warqad uu ku sheegayo in Soomaaliya ay ka tanaasushay tartankaas.

Doorashada ayaa maanta ka dhacay dalka Angola, afar gabdhood ayaa tartameysay oo Marwo Bashiir ay ku jirtay, waxaana ku guuleystay xilka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka Tulia Ackson oo ah haweeney u dhalatay dalka Tanzania.

Xildhibaan Marwo Bashiir oo warbaahinta la hadashay ayaa ka sheekeysay sidii ay wax u dhaceen, waxay sheegtay in doorashada oo ay ka dhiman tahay 48 saac loo sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu soo diray warqad ay tartanka uga harayaan, taas oo la yaab iyo dhabarjebin culus ku noqotay.

Ad
Previous articleSomaliland oo keensatay Eeyo la hawlageli doona ciidamada ammaanka(Sawiro)
Next articleQarax weyn oo ka dhacay Qaza iyo korontada iyo internet oo ka go’ay meelaha qaar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here