Home Wararka Maanta Xildhibaan ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo geeriyooday

Xildhibaan ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo geeriyooday

0

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray Xasan Faarax Salaad, kaasi oo la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu xanuunsayey.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN Xildhibaan Xasan Faarax Salaad oo ka tirsanaa Mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Xasan Faarax Salaad uu door muuqda kasoo qaatay aas-aaska iyo dowlad dhiska Hirshabeelle isagoo muddo u adeegayay shacabka iyo dowladda.

Madaxweynaha ayaa si gaar ay ugu taciyeeyay Golaha Baarlamaanka Hirshabeelle ee uu ka tirsanaa, qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumka, waxaana uu alle uga baryay in Jannatul Fardawsa uu ka waraabiyo.

Ad
Previous articleXasan Sheekh oo gaaray Adis Ababa iyo Abiy oo soo dhaweeyay (Sawirro)
Next articleWasaarada Waxbarashada oo Joojisay Lacagtii Shahaadada Dugsiga Sare ee ardayda laga qaadi jiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here