Home Wararka Maanta Wasaarada Waxbarashada oo Joojisay Lacagtii Shahaadada Dugsiga Sare ee ardayda laga qaadi...

Wasaarada Waxbarashada oo Joojisay Lacagtii Shahaadada Dugsiga Sare ee ardayda laga qaadi jiray

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir , ayaa maanta shaaciyay in la joojiyay lacagihii laga qaadi jiray ardayda qaadaneysa shahaadada dugsiga sare.

Faarax Cabduqaadir ayaa sheegay in gabi ahaan meesha laga saaray lacagihii horey looga qaadi jiray ardayda ka baxday dugsiga sare ee shahaadada qaadaneysa, waxa uuna cadeeyay kaliya in ardayda iska bixinayaan lacagta wasaaradda maaliyadda.

“Maadaama Shahaadada iyo Imtaxaanka ay yihiin howl ay qabaneyso Wasaaradda Waxbarashada, in laga bilaabo maanta aanay Wasaaradda Waxbarasshadu wax qarash ah aanay ka qaadeynin Shahaadada Ardeyda dugsiga sare. Waxaa jirta lacag ay qaadi jirtay Wasaaradda Maaliyadda, sideeda ayee u qaadaysaa; waxa aan ogahay in markii hore ahayd $5 (Shan dollar), taas uun baa laga qaadayaa, laakiin Wasaaradda Waxbarashada wax lacag ah oo ay ka qaadeyso Shahaadada Dugsiga Sare haba yaraatee ma jirto”  ayuu yiri Wasiir Faarax Cabduqaadir.

Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa waalidiinta dhalay ardayda dugsiga sare ka baxday ee shahaadada dalbaneysa uga digay in ay sameeyaan wax isdaba marin lacagna ku bixiyaan helitaanka shahaadada.

Ad
Previous articleXildhibaan ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo geeriyooday
Next articlePuntland oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii taliye Shub kasoo yeeray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here