Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Xildhibaan Firinbi oo Warqad laga Dhigay Garoonka adan Cade

Xildhibaan Firinbi oo Warqad laga Dhigay Garoonka adan Cade

0

Xildhibaan Xasan Firimbi oo xaqiijiyay in warqad laga dhigay Garoonka Aden Cadde oo uusan ka dhoofi karin.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in arrintaas qatar ku tahay xasaanadda xildhibaanka, iyo in dowladda masuul ka tahay wax walbo oo xildhibaanka soo gaara.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Garoonka Aden Cadde oo warqaddaas ku aadan.

Firinbi ayaana ka Guuray Gurigiisii Kadib Cabsi amni soo Wajahday NISA ayaa Tan Xalay Ka Baadi Goobaysay Muqdisho Sii Loo Xiro.

Ugu Danbayn Xildhibaan firinbi ayaa Magan galyo ka Doontay Guriga Shiikh Shariif Kaas oo Mudo Afar Maalin ah uusan kasoo bixin.

Xildhibaan Firinbi ayaa Laba Jeer Hawada Raali Galin U mariyay Askarigii Booliska ahaa ee Uu Feeray Wuxuuna Balan Qaaday inuu U Tagi Doono Balse Xaalad amni uusam Haatan Socon karin.

Ad
Previous articleTirada Ganacsatada Muqdisho Loogu Dilay Camerada CCTV Darteed oo La shaaciyay
Next articleQoys Soomaali ah oo Markii ay seexdeen Kadib Wada Dhintay oo Gurigoodii laga helay