Home Wararka Maanta Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) oo Geeriyooday

Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) oo Geeriyooday

0
Xildhibaan ka tirsanaa golaha shacabka Baarlamanka Somalia ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) oo ku geeriyooday magalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Waxaan xanuunka iyo murugada la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.”

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa, xildhibaannadda Golaha Shacabka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleMaxaa ka run ah sawirka faafay ee lagu sheegay diyaarad dagaal oo ay Soomaaliya iibsatay?
Next articleMadaxweyne Erdogan oo Ankara ku casuumay Netanyahu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here