Home Wararka Maanta Maxaa ka run ah sawirka faafay ee lagu sheegay diyaarad dagaal oo...

Maxaa ka run ah sawirka faafay ee lagu sheegay diyaarad dagaal oo ay Soomaaliya iibsatay?

0

Waxaa warbaahinta Soomaalida iyo baraha bulshada ku faafiyay sawiro la sheegay inay yihiin diyaarado dagaal oo ay dowladda Soomaaliya soo iibsatay. Arrinkan ayaa yimid toddobaadyo uun kadib markii uu madaxweynaha Soomaaliya ka codsaday Qaramada Midoobay in Soomaaliya laga qaado xayiraado hubka ee ugu cimriga dheer dunida ee saaran ilaa 1992dii.

Wasiir dowlaha arrimaha dibeda Cali Cumar ‘Balcad’ ayaa horey ugu sheegay BBC in xayiraada hubka ee kow iyo sodon jirka ah ay caqabad ku tahay awoodda dowladda ee soo-iibsashada hubka waa weyn oo ay diyaaradahu ka yimid yihiin. Waxa uu wasiir Cali Balcad ku sheegay arrinkaas in uu cuuryaamin ku yahay awoodda ciidamada Soomaaliya ay u leeyihiin la wareegista ammaanka dalka xilli la qorsheynayo in ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay ka baxaan Soomaaliya.

Sidee hadda Soomaaliya ku heshaa hubka?

Xayiraadda hubka ayaa Soomaaliya lagu soo rogay bilowgii dagaalada sokeeya iyo ridistii dowladdii kacaanka halkaas oo meelo badan ay ka socdeen dagaalo sokeeye. Taas ayaa horseeday in Soomaaliya ay ku tiirsanaado hub kaalmo ah oo ay ka heshay dalal saaxiib la leh, iyada oo aan muddo dheer soo iibsan hub u gaar ah, sida uu BBC u sheegay Cali Cumar, Wasiir-dowlaha Arrimaha Dibeda. Waxa uu arrinkaas ku saleeyay in dalalka shisheeye iyo shirkadaha ka ganacsada hubka ay dhammaantood diidaan inay Soomaaliya hub ka iibinaya iyaga oo walaac ka qaba inay jabiyaan xayiraadda hubka. Waxa uu xusay in Soomaaliya hadda ku tiirsan tahay hub kaalmo ah oo ay ka guureen, ama ka maarmeen dalalka ku deeqay.

Maxaan ka naqaanaa diyaaradda UH-1H Huey II Multi-Mission?

Huey II waa diyaaradaha nooca helikobterka ee loo yaqaan Bell UH-1H, oo la casriyeeyay. Waxaa sameeyay Bell Helicopter, oo hoos timaada shirkadda Textron oo laga leeyahay Mareykanka taas oo shaqeyneysay boqolkii sano ee lasoo dhaafay. Casriyeynta waxaa loogu talagalay in sare loogu qaado waxqabadkeeda.

Culeyska gudaha diyaradan marka ay eber tahay ayaa waxa uu gaaraya 2,552kg waxayna qaadi karta culeys dhan 2,268kg. Guud ahaan marka la isku daro gudaha iyo bannaankuba waxa uuu culeyskeedu gaarayaa 4,763kg. Cabirka gudaha ayaa ah 6.2m³ waxaana loo habeyn karaa sida la rabo iyadoo ay ku xirantahay nooca howlgalka.

Diyaaradaha Huey II waxaa wada hal ama laba duuliye waxayna qaadi karaan ilaa 14 qof. Qaybta laga hago ayaa waxaa lagu sameeyay muraayado adag oo ballaaran. Albaabadeedu waa ay ballaaran yihiin kuwaas oo fududeynayo rarista iyo dejinta alaabaha. Waxay leedaahy afar dariishadood oo waaweyn oo ku rakiban qeybta jiifka.

Helicopter-kan waxaa loo isticmaali karaa hawlo kala duwan, oo ay ku jiraan daabulidda ciidamada, xamuulka, goobidda iyo samatabbixinta, hawlgallada gaarka ah, wax ka qabashada musiibooyinka iyo dab-demiska. Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee UH-1H Huey II ee la casriyeeyay waxaa adeegsada tiro ka mid ah ciidamada qalabka sida ee caalamka oo dhan. Waxaa ku rakiban qalab casri ah oo isgaarsiineed iyo kuwa kale oo caawiya qariiradda.

Lacag intee la eg ayaa la iibiyaa, dalalkee ayaa se adeegsada

Diyaaradaha noocaan ah waxaa adeegsada dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Mareykanka oo ay ciidamadiisa cirka ku qalabeysan yihiin. Dalalka kale ee adeegsada waxaa ka mid ah Baraasiil oo heshiis horey ula gashay shirkadda sameysa diyaaradaha noocaan ah. Waxaa adeegsada ciidamada booliska rayidka ah ee ka howlaga caasimadda Rio de Janeiro.

Waxaa sidoo kale horey u adeegsaday ciidamada cirka ee Yemen oo ay dowladda Mareykanka siisay afar diyaaradaha noocaan ah sanadkii 2011kii. Dowladda Lebnon lacag ka badan boqol iyo Sideetan milyan ayay ku bixisay diyaaradahan iyo qalabkooda sanadkii 2014kii, iyada oo soo iibsatay Sideed iyo toban xabo oo keliya. Dowladda Mareykanka ayaa ka caawisay Lebnon iibkan. Sidaas si la mid ah, waxaa diyaaradahan adeegsada ciidamada cirka ee Filibiin, Colombia, Kenya iyo Kazakhstan. Xogtii ugu dambeysay waxay muujineysaa in qiimaha diyaaradan oo noocyo dhowr ah ka kooban uu gaarayo inta u dhexeysa $150,000 ilaa $3 million.

Halkee ayay taallaa diyaaradda Helikobtarka ah?

Dowladda Soomaaliya si rasmi ah uma shaacin nooca iyo sawirada diyaaradaha la sheegay inay soo iibsatay, faahfaahin dheeraad ahna kama bixin tiradooda iyo qiimaha ay ugu fadhido, iyo halka ay hadda yaalaan diyaaradahaas. Saraakiil dowladda ka tirsan oo la hadalnay na waxay ba u eg yihiin in aysan wax xog ah ka heynin. Sidaas oo ay tahay waxaa faafay sawiro dhowr ah oo lagu sheegay inay yihiin diyaaradaha ay Soomaaliya soo iibsatay. Waxaa ka mid ah sawirka hadda kuu muuqda.

Laakiin ma ahan diyaarad ay Soomaaliya leedahay. Waa sawir laga qaaday diyaarad fadhida xarun diyaaradeed oo ay leeyihiin ciidamada milatariga ee cirka Afghanistan taas oo ku taalla magaalada Kandahar. Waxaa sawirka la qaaday bishii Deseemar ee sannadkii 2017-kii. Diyaaraddan ayaa ah diyaarad helikobtar oo tirsigeedu yahay UH-1H Huey II Multi-Mission.

Ad
Previous articleDalka ciraaq oo Talaabo adag Ka Qaaday Safiirkii Swedan u Fadhiyay Dalkaas
Next articleXildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) oo Geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here