Home Wararka Maanta Xildhibaan Caananuug oo Eedeyey Xildhibaanada puntland Xili Shalay laga guulaystay

Xildhibaan Caananuug oo Eedeyey Xildhibaanada puntland Xili Shalay laga guulaystay

0

Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo looga guuleystay doorashadii gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay sababaha keenay guuldaradii uu la kulmay arrimo kale oo ka yaabiyey

Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa si lama filaan ah ugu guuleysatay xilka gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka, inkastoo markii hore si weyn loo saadaalinayey inuu ku soo bixi doono Xildhibaan Caananuug

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU KAGA HADLAY SABABAHA GUULDARADIISA IYO CIDA KA DAMBEYSA

Safar dheer, shaqo badan iyo dadaal mudo sanad ku dhow aan waday waxaa Alle mahadii ah in aan galabta soo gaban-gabeeyay Ololihii aan ugu jiray xilka Guddoome ku xigeen ka kaad ee GSHS, waxaa ay ahayd marxalad siyaasadeed oo aad muhiim iigu ah, oo aan ka soo kasbaday khibarad, aqoon iyo waayo aragnimo.

Sidaas darteed waxaan si mug leh ugu mahad-celinayaa dhammaan xildhibaanada sharafta leh ee codkooda igu sharfay iguna maamuusay, mid mid ayaan idiinkugu mahadcelinayaa waana abaal aan xasuusnaan doono, oo aan gudi doono haduu Alle idmo, sidoo kale waxaan si aan la cabiri karin ugu mahadcelinayaa dhalinyaradii Gabdhaha iyo Wiilasha ba lahaa ee sida dadnimada leh igala shaqeeyay Ololaha mudadadii uu socday, Abakiina dhamaantiin Alle ayaa gudi karo.

Inkasta oo aanan ku guuleysanin, guushuna tahay qadarta Rabbi hadana waxa aan la inkiri karin arimo badan oo keenay guul-darada, saaxiibo ballan furay, kuwo na hagardaamiyay iyo kuwo baadida nala daydayay se rabay in aanan helin intaba waa jireeen balse waxaa fajaciso igu ahayd isku milanka Raggii aan aagga kuwada jirnay ee Mucaaradka aan ahayn iyo kuwii aan aagga isugu jirnay, waa darsi cusub oo siyaasadeed oo aan caawa bartay balse Mar idage Alle ha dago, mar labaadse anaan ba dagmi doonin IA.

Ugu dambeyn waxaan caddeynayaa in aanan niyad jabin, guushana aysan ahayn kaliya kursiga balse tahay Hannka iyo Shaqada, waxaan u xaqiijinayaa saaxiibadey, taageerayaasheyda iyo dhamaan Ummadda Soomaaliyeed in aan horay u socon doono aan isbadal waxtar leh ka qayb gali doono hoggaamintiisa, kaas oo lagu dhisi doono Dowlad Shacabka Soomaaliyeed ay ku farxi doonaa  kuna naaloon doonaan, lehna Hoggaan lagu kalsoonaan karo lana soo tijaabiyay.

Libaax Nin Ganay iyo Galaday ba og. Mahadsanidiin.

Wabillaahi Al-towfiiq

Ad
Previous articleMuqdisho oo lagu dilay Askari Caan ah oo lagu Magacaabo Atooraha Badda. ( Sawiro)
Next articleMaraykanka oo War kasoo Saaray Doorashadii Gudoonka Golaha Shacabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here