Home Wararka Maanta Xil. Qaali Cali Shire “Madfacaas Askari meesha taagnaa uu ka fakaday waa...

Xil. Qaali Cali Shire “Madfacaas Askari meesha taagnaa uu ka fakaday waa yeelayaa lakiin meel fog ayuu ka yimid ciddii loo sheegayo waa ciyaal”

0

Xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Villa Hargeysa ayaa waxaa maanta ka dhacay kulanka wadajirka labada Aqal kaas oo looga doodayay wax ka badalka xeerka Doorashada Guddoonka labada Gole ee BFS iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya.

Dood dheer ka dib kulan Gole ayaa hal mar waxaa xarunta laga maqlay jug aad culus taas oo markii dambe la ogaaday in ay ahaayeen Madaafiic lagu soo tuuray xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha KMG Golaha Shacabka, Danjire Cabdisamad Xaaji Axmed Dhabancad ayaa ka codsaday xubnaha Golaha in ay san banaanka u bixin, inta laga xaqiijinayo qasaaraha ka dhashay.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa si yaabo kala duwan uga hadleyn weerarka Hoobiyaasha ah ee maanta lagu soo qaado xarunta Golaha Shacabka, Xildhibaan Qaali Cali Shire oo ka mid ah mudanyaasha Golaha Shacabka ee laga soo doortay Galmudug oo ka hadashay weerarka ayaa tiri Madfacaas Askari meesha taagnaa uu ka fakaday waa yeelayaa, lakiin meel fog uu ka yimid ciddii loo sheegayo waa ciyaal, dadka anaa ugu dhawaa oo banaanka joogay”  aeye ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda facebooka.

Ad
Previous articleJadwalka Doorashada Gudoomiyaha Iyo Ku Xigeenadiisa oo La Shaaciyay
Next articleDeg deg: Alshabaab Oo Goordhow La Wareegay Degmada Matabaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here