Home Wararka Maanta Xiisada Laisku Hub aruursaday oo Ka Taagan Magaalada Jowhar

Xiisada Laisku Hub aruursaday oo Ka Taagan Magaalada Jowhar

0

Wararka naga soo gaarayan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan xiisad xoogan ay ka taagan tahay magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle, taas oo ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka ee degmadaasi.

Xiisadda ayaa timid, kadib markii beelaha qaar ay ka horyimaadeen qaabka loo wado dhismaha golaha deegaanka magaalada Jowhar oo ay sheegeen in la dudsiiyay xaqooda..

Beelaha cabanaya waxaa kamid ah beesha Xawaadle ee gobolka Shabeelaha iyo beesha Gaaljecel oo labaduna saacadihii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyay Jowhar.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in magaalada laga dareemayo dhaq-dhaqaaq xoogan, waxaana HirShabelle ay adeegsaneysaa ciidamo si loo sii wado dhismaha golaha deegaanka oo haatan doorashadooda ay ka socda caasimada Jowhar.

Dhanka kale beesha Xawaadle ee Shabeelaha Dhexe oo shir jraa’id ku qabtay Jowhar ayaa shaaca ka qaaday iskaga baxen dhismaha Golaha deegaanka degmadaaasi, waxayna beeshu sheegtay in la siiyay xubno aysan u qalmin.

“Waan diidnay inaan qaadano labada xubnood ee gunimada ah oo Guudlaawe Xawaadle siiyay ma ahan wax Xawaadle uu mudan yahay mana qaadaneyno, anagoo ilaa 1960-kii Jowhar kasoo aheyd duq magaalo, waxaan cadeyna anigoo ah nabadoonka guud ee  beesha Xawaadle Shabeellaha dhexe in dhismaha golaha deegaan Jowhar ka socdo wax shaqo ah ku laheyn” ayuu yiri Nabadoonka guud ee Xawaadlaha Shabeellaha Dhexe.

Arrintan ayaa uga sii dareysa xiisadda ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka degmada Jowhar oo aad uga cabanayaan inta badan beelaha dega magaalda Jowhar.

Illaa iyo hadda iyo ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka, inastoo madaxweyne Cali Guudlaawe horay u qaatay go’aan culus oo ku aadan inaywadi doonaan dhismaha golaha deegaanka, ayna la dagaalami doonaan cid kasta oo ka hor timaada.

Horay waxaa HirShabelle ula dagay khilaafaad dhanka maamulka ah oo ka dhashay dhismihii maamulkaas, waxayna taas oo hoos u dhigtay horurmarkii gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe
Ad
Previous articleXildhibaanada golaha wakiilada Puntland oo maanta kulan xasaasi ah ku leh Garoowe iyo Xiisad Culus oo Ka Taagan garowe
Next articleDalxa oo War kasoo Saaray Maxkamadaynta Jeneral Sheegoow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here