Home Wararka Maanta Dalxa oo War kasoo Saaray Maxkamadaynta Jeneral Sheegoow

Dalxa oo War kasoo Saaray Maxkamadaynta Jeneral Sheegoow

0

Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah siyaasiyiinta beesha Jeneraal Sheegow Axmed Cali ayaa ka hadlay arrimo ku aadan maxkamadeynta sarkaalkan oo ka bilaabatay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Dalxa ayaa soo dhaweeyay maxkamadeynta Shegow, balse wuxuu ugu baaqay maxkamadda ciidamada iyo bahda garsoorka inay kiiskan waafajiyaan cadaaladda.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay arrintan ay il gaar ah ulahaato maadaama ay iyadu gacanta ku heyso jananka oo lasoo xiray 19-kii bishii August ee sanadkan, kadib dagaal culus oo uu ciidanka ammaanka kula galay degmada Dharkenley.

“Runtii maxkamadeynta jeneraal Sheegow Axmed Cali ee hadda bilaabatay kolleyba waa la soconaa guud ahaan sida ay dadka Soomaaliyeed ula socdaan, mar haddii ay dowladda kiiska gacanta ku hayso waxaan ka codsaneynaa in arrinta Sheegow si Alle ka cabsi leh oo cadaalad ah loo galo garsoorka ayaa looga fadhiyaa” ayuu wareysiga ku yiri Prof. Dalxa.

Prof, Maxamed Cumar Dalxa oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay doodda ka taagan darajada jeneraal Sheegow oo ay saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada sheegeen inay tahay mid been abuur ah, wuxuuna hadalkaas ku tilmaamay mid xaqiiqada ka fog.

Xildhibaan hore Dalxa ayaa shaaca ka qaaday in Sheegow uu horay u dalacsiiyay madaxweynaha hadda talada haya ee  Xasan Sheekh, ayna u hayaan maqaatiyeyaal.

“Jeneraal Sheegow horta waxaa daraadahaan siiyay, abaalna aan uga haynaa madaxweyne Xasan Sheekh oo maantana ah madaxweynaha JFS oo markaas gabagaboi ay taagneyd isaguna uu isku diyaarinayay doorasho, si uu mar kale u tartamo” ayuu sii raaciyay Dalxa/

Jeneraal Sheegow iyo 22 kale oo kamid ahaa askartiisa ayaa kasoo muuqday maxkamadda ciidanka waxaana la haystaa dilal & dhac ay gaysteen, sida laga hor sheegay maxkamadd.

Eedaha kale ee sida gaarka ah loogu haysto ninkan waxaa kamid ah in maalintii uu dhacay dagaalkii gurigiisa uu dilay askari, isla-markaana uu dhaawac culus u geystay sarkaal kale.

Ad
Previous articleXiisada Laisku Hub aruursaday oo Ka Taagan Magaalada Jowhar
Next articleKumuu ahaa macalinkii iyo abwaankii Hargeysa caanka ka ahaa ee maanta geeriyooday aaska Qarana loo Sameeyey?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here