Wararka naga soo gaarayan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan xiisad xoogan ay ka taagan tahay magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle, taas oo ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka ee degmadaasi.
Beelaha cabanaya waxaa kamid ah beesha Xawaadle ee gobolka Shabeelaha iyo beesha Gaaljecel oo labaduna saacadihii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyay Jowhar.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in magaalada laga dareemayo dhaq-dhaqaaq xoogan, waxaana HirShabelle ay adeegsaneysaa ciidamo si loo sii wado dhismaha golaha deegaanka oo haatan doorashadooda ay ka socda caasimada Jowhar.
“Waan diidnay inaan qaadano labada xubnood ee gunimada ah oo Guudlaawe Xawaadle siiyay ma ahan wax Xawaadle uu mudan yahay mana qaadaneyno, anagoo ilaa 1960-kii Jowhar kasoo aheyd duq magaalo, waxaan cadeyna anigoo ah nabadoonka guud ee beesha Xawaadle Shabeellaha dhexe in dhismaha golaha deegaan Jowhar ka socdo wax shaqo ah ku laheyn” ayuu yiri Nabadoonka guud ee Xawaadlaha Shabeellaha Dhexe.
Illaa iyo hadda iyo ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka, inastoo madaxweyne Cali Guudlaawe horay u qaatay go’aan culus oo ku aadan inaywadi doonaan dhismaha golaha deegaanka, ayna la dagaalami doonaan cid kasta oo ka hor timaada.