Home Wararka Somaliya Xiisad ka taagan Gurceel ka dib Dil loo gaystay Qof Xoola dhaqata...

Xiisad ka taagan Gurceel ka dib Dil loo gaystay Qof Xoola dhaqata ah

0

Wararaka naga soo garaya degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in degaan ku yaal duleedka Degmadaas ay maleeshiyaad hubeysan ku dileen Nin la sheegay in uu ahaa Xoolo Dhaqato.

Dadii dilka Fuliyay ayaa lagu soo waramayaa inay Goobta isaga baxsadeen, si aan loo Fahmin cida ay yihiin.

 

Dad ku sugan gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegeen in Maleeshyaada hubeysan ay ku dileen degaanka Riig oo 72km u jira magalaada Guriceel nin lagu Magacaabi jiray Salaad Nuur Dhagay, kaas oo kamid ahaa dadka degaanka aadna Loo garanayay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayan in dilkasi uu salka ku haayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil oo kajira degaanada Galmudug, waxaana degaanka uu dilka ka dhacay ka taagan xiisad ka dhalatay dilkaas

Dergaannada Galmudug ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo la xiriiray aanooyin qabiil, waxaana jira kuwo lagu guuleystay in xal laga gaaro Colaadaas halka kuwo kale ay taagan yihiin.

Ad
Previous articleMadaxweynaha galmudug oo Hambalyada 15 May udiray Dhalinyarada Soomaaliyeed
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo Ka Qeyb-galay Aaska Sheikh Cali dheere oo dhawaan Galkacyo Lagu dilay {Sawiro}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here