Home Wararka Somaliya Xidlhibaan C/Raxmaan Cabdi Shakuur oo dhaliilay Safarka Madaxweyne Xasan Shiikh

Xidlhibaan C/Raxmaan Cabdi Shakuur oo dhaliilay Safarka Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka Somalia Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame,  ayaa talaabo qalad ah ku tilmaamay safarka uu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ku tagayo dalka Itoobiya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sidoo kale ah Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sheegay in go’aanka uu qaatay madaxweyne Xasan Sheikh uu yahay mid aan laga fiirsan oo lagu degdegay.

“Dowladda waxaa laga rabay inay hoos u dhigto xiriirka Itoobiya maadaama ay gashay heshiis si cad ugu cad gudbaya madax banaanida Somalia” ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.

Waxaa uu sheegay ineysan jirin sabab uu Madaxweynaha u booqdo Itoobiya iyadoo aan ka laaaban heshiiskii xad gudubka ku ahaa Somalia.

“Addis Ababa heshiis naga dhaxeeya maan ogayn. Waxaan ogayn inay ku soo xad gudbeen midnimada iyo madax bannaanida dalka. Waa inaan weydiin karnaa madaxweynaha, maxay tahay sababta kugu riixaysa in aad Addis Ababa shir uga qeyb gasho,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuu sheegay inay ahayd in dowladdu hoos u dhigto xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya Itoobiya, haddii ay ka maarmi weydana hoos loo dhigo meeqaamka wafdiga loo dirayo shirka madaxda midowga Afrika.

“Baarlamaanka Soomaaliya waxay ahayd inay madaxweynaha su’aalo ka weydiiyaan safarkiisa wayna ku fashilmeen arrintaas, waxay ku  mashquulsan yihiin wax ka beddelka dastuurka dalka oo khilaaf xoogan uu ka taagan yahay” ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa duray sida ay xubnaha baarlamanku uga sii jeedaan heshiisyo ay gashay DF iyo ka warqab la’aanta baarlamanka ee la xiriirta safar uu reisal wasaaraha dalku muddo kaga maqan yahay.

“Xukuumadda Soomaaliya ayaa gashay heshiisyo caalami ah oo la xiriira arrimaha ammaanka, iyadoo ay la gashay dalal kala duwan oo uu ugu dambeeyay heshiis is af garad ah oo ay la gashay Mareykanka, heshiisyadii hore ayaan weli la hor geynin baarlamanka, waxaana  baarlamanku lagu mashquuliyey arrimaha la xiriira dastuurka dalka” ayuu yiri

Ad
Previous articleMuqdisho: Madaxweyne Xasan Shiikh oo u dhaafay Caasimada Adis Ababa
Next articleMudug: Maleeshiyo ka kala tirsan Galmudug iyo Puntland oo la kala qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here