Home Wararka Somaliya Muqdisho: Madaxweyne Xasan Shiikh oo u dhaafay Caasimada Adis Ababa

Muqdisho: Madaxweyne Xasan Shiikh oo u dhaafay Caasimada Adis Ababa

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safray magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya xili labada dal uu ka dhexeeyo khilaaf adag oo ku saabsan heshiiskii dhexmaray Aby Ahmed iyo Muuse

Afhayeenka Villa Somalia ayaa sheegay in Xassan Shiikh uu ka qeyb galayo Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika ee ka furmaya addis ababa.

“Madaxweynaha ayaa sidoo kale gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, isagoo hoosta ka xariiqay sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xadgudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda” ayuu yiri afhayeenka Madaxtooyada.

Dawlada Somalia ayaa horey u qaaday tallaabooyin looga jawaabayo xadgudubkii Itoobiya ee gobonimada, madaxbanaanida iyo wadajirka dalkeenna. Xukuumaddu go’aan adag ayey soo saartay baarlamaanka labadiisa aqal ayaa sidoo kale go’aan adag soo saaray.

Siyaasiyiin iyo dad badan ayaa dhaliilsan booqashada Madaxweynuhu ugu ambabaxay Itoobiya maadaama Abiy Ahmed uu weli ku adkeysanayo heshiiskii uu la galay Somaliland, waxayna dad badani qabaan in booqashadan ay bahdilaad ku tahay Somalia ayna aheyd in hoos loo dhigo xiriirka Itoobiya.

Ad
Previous articleSababtii Gaalkacyo loogu Dilay Ganacsade Axmed Tahliil oo la Ogaaday iyo Ragii Dilay oo…..
Next articleXidlhibaan C/Raxmaan Cabdi Shakuur oo dhaliilay Safarka Madaxweyne Xasan Shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here