Home Wararka Maanta Xasan shiikh oo u Dhoofay Dalka Jabuuti iyo ujeedka Safarkiisa oo la...

Xasan shiikh oo u Dhoofay Dalka Jabuuti iyo ujeedka Safarkiisa oo la Shaaciyay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ugu ambabaxay magaalada Djibouti ee dalka Jamhuuriyadda Djibouti.

Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa ah in la sii ambaqaado dadaalka wadahadallka u dhexeeya DFS iyo Somaliland iyo xalinta colaadaha dalka ka aloosan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wafdiga uu horkacayo ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga ee DFS Mudane Jibriil Cabdirashiid iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga Gaarka ah ee wadahadalada DFS iyo Somaliland.

Dowladda aanu walaalaha nahay ee Djibouti ayaa martigelineysa dadaaladan socda, iyadoo dhanka Somaliland uu wadahadalka uga qeybgalayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo la filayo inay maanta ku kulmaan isaga iyo madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Safarkan ayaa waxaa madaxweyne Biixi ku wehlinaya wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Arrimaha Gudaha,  Mudane Maxamed Kaahin Axmed,  Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Aadan Buuxane iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyadu dalka Jabuuti kaga sii horraysa wefdiga Madaxweynaha

Ad
Previous articleSiiriyaan Dahab farabadan ka Xaday Muqdisho oo aygoo Safar ah lagu Qabtay….(Sawiro)
Next articleMeydka Farah Ali Mohamoud oo Asbuuc kadib lahelay Xili Dhawaan lawaayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here