Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Safar Deg Deg ah ku aaday Dalka Eriteeriya Kadib...

Xasan Shiikh oo Safar Deg Deg ah ku aaday Dalka Eriteeriya Kadib Xadgudubkii Itoobiya

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Asmara dalka Eritrea, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah.

Villa Somalia ayaa ujeeddada safarka ku sheegtay mid shaqo, balse kama aysan bixin faah-faahin intaas dheer.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Asmara kusoo dhoweeyey dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki. Dowladda Eritrea yaa sheegtay in madaxweynaha uu Asmara ku sugnaan doono laba maalin.

Wasaaradda warfaafinta Eritrea waxay sidoo kale sheegtay in labada madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dhinac, iyo arrimaha gobolka iyo caalamka ee danta ugu jira labada dhinac.

Safarka ayaa imanaya ayada oo xiisad xooggan ay ka dhex-oogan tahay Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii Addis-Ababa ay heshiis is-afagarad oo muran dhaliyey ay la saxiixatay Somaliland.

Is-afgaradka ay la gashay Itoobiya, ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.” Hase yeeshee weli Itoobiya ma xaqiijin inay ballan-qaaday aqoonsi.

Ka hor safarka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka, wuxuuna ku bogaadiyay “doorkooda taariikhiga ah ee ay ka qaateen ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida qaranimada dalka Soomaaliyeed.”

Soomaaliya ayaa si xooggan uga hortimid is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya, waxayna u yeeratay safiirkeeda Addis-Ababa.

Xiriirka iyo Eritrea iyo Itoobiya ayaa xumaa tan iyo markii uu dhammaaday dagaalka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, oo ay heshiiyeen xukuumadda Abiy iyo Jabhadda TPLF.

Ad
Previous articleMadax iyo siyaasiin kala duwan oo hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Puntland
Next articleMasar oo wafdi culus usoo dirtay Muqdisho iyo Xasan shiikh oo kuwajahan Qaahira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here