Home Wararka Maanta Masar oo wafdi culus usoo dirtay Muqdisho iyo Xasan shiikh oo kuwajahan...

Masar oo wafdi culus usoo dirtay Muqdisho iyo Xasan shiikh oo kuwajahan Qaahira

0

Dowladda Masar ayaa wafdi culus usoo dirtay Muqdisho, sida ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya, xilli xiisad xooggan ay ka dhaxeyso Soomaaliya iyo Itoobiya, taasi oo ka dhalatay heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland ee sida la sheegay lagu siiyey qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Dhul-badeedkaas oo dhan 20 km ayey Somaliland sheegtay inay ku beddelatay in Itoobiya ay siiso aqoonsi. Hase yeeshee Itoobiya weli ma xaqiijin inay aqoonsan doonto Somaliland, balse waxay sheegtay in marka ay hesho badda kadib ay darsi doonto sidii ay mowqif uga qaadan laheyd arrintaas.

“Axaddii, 7-dii Janaayo 2024 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqalka madaxtooyada ee Muqdisho ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi. Wafdiga ayaa u gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh casuumaad rasmi ah oo uu ku tagayo Masar,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia..

“Intii uu socday kulanka, wefdiga waxa ay ku celiyeen in madaxweyne El-Siss uu si hagar la’aan ah u garab taagan yahay madax-banaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo mabaadi’daas asaasiga ah, islamarkaana si adag u caddeeyey inay ka soo horjeedaan fal kasta oo taas xadgudbaya.”

Qoraalka madaxtooyada ayaa sidoo kale lagu sheegay in wafdiga Masar ay hoosta ka xariiqeen sida hagar la’aanta ah ee Madaxweyne El-Sisi ay uga go’an tahay sare u qaadidda xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Masar iyo Soomaaliya oo dhinac walba ah.

Madaxweyne Sisi ayaa ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh uu wacay markii Abiy Ahmed uu heshiiska xadgudubka ku ah madax-banaanida Soomaaliya la saxiixday Muuse Biixi 1-dii Janaayo.

Masar iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiisad ka dhalatay biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameysay webiga Nile, kaasi oo Masar ay u aragto halis amni iyo caqabad ka dhan ah nolosha Masaarida oo aad ugu tiirsan biyaha webigaas.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Safar Deg Deg ah ku aaday Dalka Eriteeriya Kadib Xadgudubkii Itoobiya
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Ku Baaqay in loo Diyaar Garoobo Dagaal lala Galo Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here