Home Wararka Somaliya Galmudug Xasan shiikh oo Koobkii Guusha Gudoonsiiyay Ciyaartoyda Galmudug

Xasan shiikh oo Koobkii Guusha Gudoonsiiyay Ciyaartoyda Galmudug

0

Munaasabad lagu abaalmarinayey oo koobka ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir lagu guddoonsiiyey xulka kubadda cagta ee Galmudug ayaa caawa lagu qabtay madaxtooyada Soomaaliya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad Koobka tartankii ciyaaraha D. Goboleedyada iyo Gobolka Benaadir lagu guddoonsiiyay xulka Kubadda cagta Dowlad-goboleedka Galmudug oo kuguuleystay Tartankaas ayaa billado guddoonsiiyay Maamullada, Macallimiinta iyo Xiddigaha xulalka Galmudug oo kaalinta koowaad galay iyo Hir-shabeelle oo kaalinta labaadku guuleystay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa koobka guddoonsiiyey xulka Galmudug, abaal-marinta labada xul kadibna wuxuu Madaxweynuhu halkaas ka jeediyey khudbad dheer.

Ugu horeyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bahda ciyaaraha dalka ku amaanay sida ay ugu guuleysteen ciyaartii qurxooneed ee toddobaadyadii lasoo dhaafay ka socotay Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ka dalbaday inay tixgeliyaan oo ku xirmaan ciyaaraha, maadaama ay horseedaan nabad iyo is dhexgal bulsho.

Madaxweynaha ayaa aad ugu amaanay hey’adaha amniga doorkii ay ka qaateen sugidda amniga, wuxuu sheegay in shaqo dheeraad ah oo la mahdiyey ay qabteen ciidamada amniga Muqdisho.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaas kadib kasii hadlay xaaladaha guud ee dalka, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso dhibaatooyinkii baaxadda lahaa ee qabsaday.

Si gaar ah madaxweynuhu wuxuu u dul istaagay guulihii ay Soomaaliya ka gaartay deyn cafinta, qaadistii cunaqabateynta hubka, ku biiriddii bulshada bariga Afrika iyo qodobo kale oo muhiim ah oo mudo yar ay ku gaartay Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu soo hadal qaaday arrinta dastuurka oo weli murankeedu uu taagan yahay, isagoo sheegay in dhameystirka dastuurka uu muhiim u yahay dalka, isla markaana ay dowladiisa ka go’antahay inay xaqiijiso shaqadaas.

Ad
Previous articleWar Deg Deg Ah: Ciidamada Nabadsugida Galmudug oo Gacanta Kusoo Dhigay Gacan ku Dhiiglihii Dilay Luul Cabdicasiis
Next articleSida loo soo qabtay ninkii xaaskiisa ku gubay Muqdisho oo ku Sugnaa Dhul Furin ah oo ku Yaala Koonfurta Mudug?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here