Home Wararka Maanta War Deg Deg Ah: Ciidamada Nabadsugida Galmudug oo Gacanta Kusoo Dhigay Gacan...

War Deg Deg Ah: Ciidamada Nabadsugida Galmudug oo Gacanta Kusoo Dhigay Gacan ku Dhiiglihii Dilay Luul Cabdicasiis

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa gacanta kusoo dhigay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan dilka Marxuumad Luul Cabdicasiis oo jimcihii u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab la qabad siiyay jirkeeda.

Ciidanka Nabad Sugidda oo maalmihii lasoo dhaafay ku raad-joogay eedeysanaha ayaa ugu dambeyn kasoo qabtay deegaanka Caad xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay.

Maanta ayaa gacanta lagu dhigay Rag daawo u waday eedeysanaha oo xaaskiisa ku gubay Muqdisho.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xaalad caafimad daro soo wajahday eedeysanaha oo gacan ka dhaawacan.

Dowlada Soomaaliya ayaana Si Toos ah u Shaacisay in Gacanta Lagu Soo Dhigay Sayid Cali oo Ku Dhuumaalaysanaayay Tuulo ka Tirsan Gobalka Mudug oo uu Cararay

Ad
Previous articleDad Oromo ah oo xalay lagu laayay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo
Next articleXasan shiikh oo Koobkii Guusha Gudoonsiiyay Ciyaartoyda Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here