Xasan Sheekh oo lasoo Gaarsiiyay warqad ka timid Amiirka Qatar Xili uusan Wali Boooqan(Sawiro)

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Villa Soomaaliya kulan kula qaatay Danjiraha dowladda Qatar Mudane Xasan binu Xamsa Haashim.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Danjire Xasa binu Xamsa Haashim ka guddoomay marti-qaad uu uga siday Amiirka dalkiisa Mudane Tamiim binu Xamad, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Xasan ayaa la wadaagay Safiir Xasan binu Xamsa farriin iyo salaan uu u diray Amiirka dowladda Qatar, isaga oo uga mahad-celiyey mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyeen gudaha dalka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay in dhambalkan iyo booqashada rasmiga ah ee uu ku tagayo dalkaas ay sii xoojiyaan iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labada dal.