Home Wararka Maanta Xasan oo guddoomiyay Shirka Amniga Qaranka Xili uu ku Wajahanyahay Dhuusamareeb(Sawiro)

Xasan oo guddoomiyay Shirka Amniga Qaranka Xili uu ku Wajahanyahay Dhuusamareeb(Sawiro)

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga arrinsanayey dhammeystirka qorshaha xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Khawaarijta Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida warbixin ku saabsan amniga dalka iyo dadaalada socda ee halganka lagu cirib-tirayo argagixisada, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan dalka oo xor ah, si nabad ahna ay ugu kala gooshayaan magaalooyinka iyo deegaannada la xoreeyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey laamaha ammaanka sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda uguna heelan yihiin badqabka nololeed iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay duullaanka ku yihiin argagixisadu, waxa uuna ku adkeeyey shacabka in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidankooda.

Shirkan waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’isulwasaare xigeenka, Wasiirrada Amniga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caddaaladda, Diinta iyo Awqaafta iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

Ad
Previous articleWaa maxay Sababta uu isku Casilay agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya?
Next articleBeesha Yabardhowrkace oo Dhuusamareeb kusoo Bandhigtay Ciidamo ka qayb Galaaya Dagaalka Ku Wajahan Ceelbuur(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here