Home Wararka Somaliya Galmudug Beesha Yabardhowrkace oo Dhuusamareeb kusoo Bandhigtay Ciidamo ka qayb Galaaya Dagaalka Ku...

Beesha Yabardhowrkace oo Dhuusamareeb kusoo Bandhigtay Ciidamo ka qayb Galaaya Dagaalka Ku Wajahan Ceelbuur(Sawiro)

0

Waxaa maanta magaalada Dhuusamareb ee caasimadda maamulka Galmudug lagu soo bandhigay dhallinyaro deegaanka ah oo hubeysan, iyo gaadiid dagaal kuwaas oo loo diyaariyey inay ka qeyb noqdaan howlgalka Wajiga labaad ee lagula dagaalamayo Al Shabaab.

Maleeshiyaadka maanta lasoo bandhigay oo ku hubeysan hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa la sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb galka gulufka dagaal ee ku wajahan kooxda Al Shabaab ee Galmudug joogta.

Masuuliyiinta iyo saraakiisha ka hadashay goobta ciidankan lagu soo bandhigay ayaa sheegay in raggan hubeysan ka qeyb qaadanayaan duullaanka ku wajahan degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareyri oo ku jira gacanta Al Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa saldhig ka dhiganaya degmada Dhuusomareeb inta uu socdo wajiga labaad ee howlgalka la doonayo in Al Shabaab looga saaro bariga gobolka Galgaduud iyo deegaanno kale ay Mudug ka joogaan.

Ad
Previous articleXasan oo guddoomiyay Shirka Amniga Qaranka Xili uu ku Wajahanyahay Dhuusamareeb(Sawiro)
Next articleCabdulqaadir Fidhiye oo loo Doortay Hogaanka Cusub ee SSC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here