Home Wararka Maanta Xarun ay Lahayd Shirkada Hormuud oo Goordhow Qarax Culus lagu Weeraray

Xarun ay Lahayd Shirkada Hormuud oo Goordhow Qarax Culus lagu Weeraray

0

Qarax Cuulus ayaa Goordhow  laga Maqlay Qaybo ka Mid ah Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Dukeedka.

qaraxaan ayaana la Xaqiijiyay  in lagu weeraray  Xarunta shirkada Hormuud ay ku leedahay Garasbaaley gaar ahaan halka loo yaqaano “Igadabageey “ sida ay xaqiijiyeen saraakiisha boliis Militaar.

Qaraxa ayaa ahaa mid nuuciisu yahay miinada dhulka lagu aaso . Wax dhaawac & dhimasho weli lama sheegin.

Dhawaan ayay ahayd Markii Sidaan oo kale la qarxiyay Xarumo ay Shirkada Hormuud ku Lahayd Degmada Dayniile Wali Hormuud kama Hadal Cida Qaraxyada Ku Weeraraysa Waxaana loo Badinayaa inay Ka danbeeyaan Kooxda Daacish oo la Sheegay in Shirkada Hormuud u Diiday lacago ay siin Jireen.

 

Ad
Previous articleSida ay tahay xaaladda isbitaalka ugu weyn Gaza ee ay gudaha u galeen ciidamada Israa’iil
Next articleIsraa’iil oo micno la’aan ku tilmaantay Qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here