Home Wararka Maanta Sida ay tahay xaaladda isbitaalka ugu weyn Gaza ee ay gudaha u...

Sida ay tahay xaaladda isbitaalka ugu weyn Gaza ee ay gudaha u galeen ciidamada Israa’iil

0

Dhaqtar katirsan Al-Shifa oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in isbitaalka ay ka maqan tahay korontada, Ogsajiinka iyo biyaha.

Dr Ahmed Mokhallalati ayaa sheegay in lix carruur ah oo dhicisnimo ku dhashay ay dhinteen maalmihii la soo dhaafay uuna ka walaacsan yahay in kuwa kale ay “mid mid u dhintaan” ogsijiin la’aan iyo koronto la’aan awgeed.

Waxa uu sheegay in qalliinnada muhiimka ah la sameeyay Talaadadii shalay iyada oo kaliya ay jirtay suuxin fudud oo ay bukaannada “la qaylinayeen xanuunka” Isla markaana aan wax qalliin ah la sameyn Karin arbacada manta ah.

Dr Mokhallalati ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhakhaatiirtu ay awoodi waayeen inay caawiyaan hal bukaan oo gubtay, sababo la xiriira qalab la’aan, waxa uu sheegay in ay ku qasbanaadaan in ay “u oggolaadaan inuu dhinto”.

Mar la weydiiyay in ciidamada Israa’iil ay keeneen gargaar caafimaad isbitaalka, wuxuu ku jawaabay: “Haddii ay aniga I quseyn lahayd, waan diidi lahaa [gargaar kasta]. Waxay na dilayaan 40 maalmood, waxayna rabaan inay i siiyaan xoogaa cusbo ah.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan shiikh oo Lagu soo Dhaweeyay Dalka Burundi(Sawiro)
Next articleXarun ay Lahayd Shirkada Hormuud oo Goordhow Qarax Culus lagu Weeraray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here