Qarax Cuulus ayaa Goordhow laga Maqlay Qaybo ka Mid ah Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Dukeedka.
qaraxaan ayaana la Xaqiijiyay in lagu weeraray Xarunta shirkada Hormuud ay ku leedahay Garasbaaley gaar ahaan halka loo yaqaano “Igadabageey “ sida ay xaqiijiyeen saraakiisha boliis Militaar.
Qaraxa ayaa ahaa mid nuuciisu yahay miinada dhulka lagu aaso . Wax dhaawac & dhimasho weli lama sheegin.
Dhawaan ayay ahayd Markii Sidaan oo kale la qarxiyay Xarumo ay Shirkada Hormuud ku Lahayd Degmada Dayniile Wali Hormuud kama Hadal Cida Qaraxyada Ku Weeraraysa Waxaana loo Badinayaa inay Ka danbeeyaan Kooxda Daacish oo la Sheegay in Shirkada Hormuud u Diiday lacago ay siin Jireen.
Ad