Ciidamo uu amray Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Mudug Muumin Cabdi Shire ayaa waxa ay xireen dhamaan Xarumaha Shirkadda isgaarsiinta Golis ee Magaalada Gaalkacyo
Maamulka Shirkada Golis oo aan la Xiriirnay ayaa waxa ay nooshegeen in aysan jirin wax Canshuur ah oo lagu leeyahay Shirkada Golis Sababta ka dambeysana in la xiro Xarumaha Golis Gaalkacyo aysan garaneen.
Waxaa xiran dhamaan Xarumaha Shirkada Golis ay Ku leedahay Magaalada Galkacyo ee Gobalka Mudug, Mana jiro wax war ah oo ka soobaxay Maamulka Magaalada iyo sidoo kale Taliska Boliiska.
Ad