Home Wararka Somaliya Alshabaab oo Sheegtay Masuuliyada dil xalay ka dhacay Galkacyo

Alshabaab oo Sheegtay Masuuliyada dil xalay ka dhacay Galkacyo

0

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dil loogaystay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska Puntland, kaasi oo xalay dabley hubeysan ay ku dileen dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland.

War kasoo baxay Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen masuuliyadda dilkaasi, iyagoo sheegay in ay dileen sarkaal lagu magacaabi jiray Cumar Axmed Cumar, kaasi oo ay sheegeen in uu ka mid ahaa   sirdoonka ‘Puntland’ ee loo yaqaan PS-ta, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Warbaahinta ku hadasha afka dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa baahisay in dilkaasi uu ahaa mid qorsheysan oo ay ku dileen Saraalkaasi.

Saraakiisha amniga Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ayaa dhankooda sheehgay in ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah dableydii Sarkaalka dilay, waxaa intaa ay ku dareen in ay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxdii kale ee dilka fulisay, kuwaasi oo goobta isaga baxsaday falka kadib.

Ad
Previous articleGolaha Amaanka ee QM oo War Deg Deg ah ka soo saaray Xaaladda Doorasho ee Somaliya
Next articleXarumaha shirkada Golis ee Galkacyo oo Albaabada Loo laabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here