Home Wararka Maanta Xamse Cabdi Bare “Xalay waxaan wacay taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir, waxaan...

Xamse Cabdi Bare “Xalay waxaan wacay taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir, waxaan ari mala qabtay ninkii dilay Sheekh Ibraahim Deyfullaah?

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa maanta Muqdisho uga qeyb galay kulan looga hadlayey amniga caasimadda, kaas oo soo hagaagayey dhowrkii bilood ee ugu dambeysay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn si adag uga hadlay dil xalay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan hore Sheekh Ibraahim Deyfullaah.

“Xalay waxaan wacay taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir, waxaan ari mala qabtay ninkii dilay Sheekh Ibraahim Deyfullaah? Wuxuu igu yiri maya, soo ma socoto marka waa dilay, waa baxsaday?” Ayuu yiri R/Wasaaraha Soomaaliya.

Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in uusan aqbali doonin in lasoo qaba waayo qofkii dila qof kale, isagoo aad u canaantay madaxda hey’adaha amniga.

Xamse Barre wuxuu carrabka ku adkeeyey in amniga Muqdisho uusan aheyn mid la isku haleyn karo inta uu baxsanayo qofkii dila qof kale, “Amniga hadii ay wax iska bedeleen waa in lasoo qabto qofkii wax dila, hadii kale amni la isku haleyn karo Muqdisho kama jiro,” ayuu yiri.

Xamza ayaa intaas ku sii daray, “Anigoo amaanaya saraakiisha, hadana inta uu baxsanayo qofkii dil geysta wax aad qabateen ma jiraan, ilaa aan ka hilmaameyno hebel waa dhintay, kii dilayna waa baxsaday, saxaafadu waxay dhihi jirtay ‘maleeshiyaad aan heybtooda la garan ayaa dilay, kadibna waxay ka baxsadeen goobta’ arrintaas waa inaan soo gabagabeyno.”

Ugu dambeyntii R/W ayaa balan-qaaday in bisha Janaayo jidadka Muqdisho laga qaadayo dhagaxda la dhigay si amniga loo sugo, “Shacabku waa ka sheegteen dhagaxda, hadii bishaan ay dhamaato waa balan waa la qaadayaa,” ayuu yiri Xamza Barre.

Ad
Previous articleXulka Hirshabeele oo Dacwad Culus ka Gudbiyay Xulka Galmudug
Next articleDeni oo ka horyimid bayaankii ka soo baxay isimada dhaqanka Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here